Saturday, August 13, 2011

First 3G in Somaliland: SOMTEL service for high speed Internet

Somtel, a telecom company equipped latest European technology was established throughout Somaliland in 2010, and up to now 500 persons in different levels got employment opportunities its branches across Somaliland.
Apart, different social sport activities Somtel helps Somaliland youth, it is also undertaking this holy month of Ramadan program called kasmaal, which all subscribers of the company who purchases prepaid cards of Somtel eligible to take part win 3 million Somaliland shilling question contest aired daily SNTv, while another answer and win 3G, flash, fixed heads and cards aired Horn cable TV.
Manager of Somtel public relation and marketing, Abdinasir saleban, who was asked when Somtel was established and what are the new technologies company introduced telecom business in Somaliland, replied, “Somtel was established throughout Somaliland one time on 2010, and it’s first telecom company introduced first time in Somaliland 3G and fast speed Internet.”
Abdinasir added, “As Somtel has branches throughout six regions of Somaliland up to now almost 500 persons got employment opportunities and will increase  near future as we are processing upgrading and enlarging our infrastructure because of increase of our customers’ demands,”
Lastly, when asked what Somaliland population will expect Somtel will introduce near future, replied, “As we previously first time introduced Somaliland 3G and fast speed Internet, every time we seek to provide our customers latest technology in telecommunications, and near future will see what we provided as we are always ready to fill demands of our customers.”

Tuesday, March 8, 2011

REER BUUHOODLE KAADHKA QOORTA LOO SUDHAY WUXUU KU TAARIIKHAYSAN YAHAY QARNIGII 19AAD

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland marka xigta waxaan salamaayaa saxaafada Somaliland kuwooda danta qaranka u adeega.

Umada afka somaliga ku hadasha waxay soo martay dariiqyo kala duwan mid qodax badan iyo mid qadax yarba inkastoo waqtigii hore dadka somalida dhibka ugu badani ka soo gaadhi jiray nin madaxtinimo dariiq khaldan u mara tusaale hadii aan u soo qaato maah maahda ah ( hadii dhahar yidhu allaa yidhi) ninkaa dhahar oo waqti hore u talin jiray qabiil

Milicsi Xaqiiqada Dhabta ah ee Kalshaale

Mushkiladaha muuqda
Waxa jirtey in beelaha wada yaal deegaanka kalshaale ay isku qabteen goob ay qaar ka mid ahi doonayeen inay deegaameeyaan iyadoo ay ka qodeen laasas iyo berkado, kuwa kalena ay diidanaayeen iyagoo ka baqaya in meeshu tuulo isu beddesho oo waxyeeleyso dhul daaqsimeedka ay tahay. kolkay sidaas tahay, aad ayay u fududahay in arrintaas xal laga gaadho, weliba waxa garta yeelanaya cidda doonaysa in laga hortago

Dulqaadka Dawladda Somaliland, Gardarrada iyo Isbahaysiga Jabhadda Nabad-diidka ah, Maamulka Puntland iyo Dawladda Somalia.

Waxa jira Dad badan oo ka shaqeeya Xumaha iyo Xaasidka Balse Xaasidku in aanu aflixin miyaanay ogayn ? Dad badan ayaa ku neceb kana soo horjeeda Jiritaankaaga, Nabada iyo Horumarkaaga mar walba waxay gudaha iyo Dibadaba ka maleegayaan Carqaladayn iyo in ay khalkhal galiyaan Dawladnimadada waxaase dhab ah in aad tahay Qaangaadh isku filan oo leh Xuduudo lama taabtaan ah , Ciidan Awood badan oo Dulqaad badan, Aqoonyahan la ixtiraamo, Siyaasiyiin Fiiro dheer, Culimo akhlaaq suuban, Dhalinyar isku duuban, Sidaas Darteed ilaahay mooyaane Cid kale Waxba kuma yeeli karto!
Kala danbayntaada, Jaar wanaagaaga, Walaaltinimadaada, Nabad jacaylkaaga iyo Nidaam wanagaagu waa inta kali ah ee kuu horseeday in lagu naco oo lagula coloobo, Mar walbana laguula yimaado Gardaro adiguse waxaad mar walba tixgalisaa Oodwadaaga, Walaaltinimada iyo Jaarnimada waxaanad ka fogaataa Xumaanta iyo Colaadaha sobobtoo ah waad ka waayo aragsan tahay waxaanay Waayaha iyo noloshu ku bareen Faa’iidada ka dhalata Dagaalka, Qabyaalada, Colaada, Xasuuqa iyo Qixitaanka waana inta aad maanta kaga horayso Iyaga.
Hadii aan Gogol dhiga qoraalkayga intaas ku dhaafo bal aan u dhaadhaco Ujeedada Qoraalkan, Sida aad ka dhadhansan karto Ciwaanka sare Waxaan intii ilahay iga garansiiyo ka odhan doonaa Sadexdaa Qodob ee kor ku xusan ee adna Bal dhugo.
Gardarada Jabhada Nabad diidka, Puntland iyo Somalia.
Dhawr bilood ka hor waxa ay Kooxda Nabad diidka ah ee Xarunteedu tahay Buhoodle ay si qorshaysan u laayeen Dad maati ah oo kasoo jeeda Somaliland Gaar ahaan Deegaanka Qorilugud waxaanay maalin ciid ah oo islaamka oo dhan faraxsan yahay qudha ka jareen Sideed Qof. Dadkaa Maatida ah ee Yoomul faraxa lagu laayay Kalshaale waxa uu ahaa weerar hore loo qorsheeyay oo lala sugayay Xukuumada Siilaanyo maadaama ay xilka kala wareegtay xukuumadii Riyaale waxaa looga dan lahaa in la galiyo qas lana Jaahwareeriyo waxaana taas cadayn u ah.
1. Qolada weerarka soo qaaday oo wadatay Saxaafad iskana duubay Cajalado Daawasho ah oo ay soo galiyeen Internetka ( Nin dhulkiisii xaq ugu dagaalamayaa Saxaafad iyo Warbaahin ma haleelo ee qori ayuu yaqaan xiiso badana ma galinayso in uu Cajalada iska duubaa) waxaana inoo cad in ay Jabhada Nabad diidka ah laysay Dadka maatida ah ee deegaanka Qorilugud Cajaladana loo dirayay Dad ku nool qurbaha oo lagaga doonayay Lacag iyo iyadoo laga dhiganayo Faan iyo Reer hebel ayaan sidaa u laynay.
2. Markii ay dadka laayeen ee ay qabsadeen Dhulkii ay ku dagaalamayeen ama kalshaale way baxsadeen iyagoo dib ugu noqday Buhodle ( Nin dhulkiisii xaq ugu dagaalamay dhiigna u galay lana wareegay Ma baxsado ee dhufays adag ayuu ka samaystaa Jilibka ayaanu wax laabtaa sobobtoo ah waa uu gaadhay libtii uu u dagaalamay.
Labada qodob waxay cadayn inoogu filan yihiin in Bilawgii dagaalka kalshaale ay ka danbaysay Jabhada Nabad diidka ah uuna ahaa Dil iyo Dagaal qorshaysan oo hore looga baaraan dagay.
Jabhada Nabad diidka ah Isla maalintaas kadib waxay hadana si kas ah u dileen dad xoolo dhaqato ah markalena waxay weerar kusoo qaadeen Magaalada Oog halkaas oo ay ka afduubteen Dad Maati ah kuna dileen dhawr askari.
Arinta Kalshaale oo ahayd Laba beelood waxa Ergo ahaan uga Qayb galay Dad badan oo iskugu jiray Aqoonyahan, Waxgarad, Siyaasiyiin, Culimaa’udiin iyo Oday dhaqameed ka kala socday Labada dhinacba, Waxanay labada beelood ee Buhodle iyo Qorilugud ansixiyeen in ay aqbali doonaan Go’aamada Ergada dhexdhexaadka ah ay soo saarto.
Ergadii waxay ku dhawaaqday in la wada Dago Deegaanka Kalshaale qolo walbana ka qodoto sadex barkadood Balse Ergadii way ku gacan saydheen Beesha Buhodle, Ergo la diidana wanaag loogama Aayo wana baadil cad.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Isagoo ka shaqaynaya Nabada iyo Walaaltinimada waxa uu soo saaray Baaq Nabadeed waxaanu Amray in kalshaale laga dhigo xarun ciidan si loo kala nabad galiyo Beelaha Buhodle iyo Qorilugud, Lana aaso Baraagaha loona celiyo Beeshii qodotay Baraagaha Balse Mar kale waxaa ku gacan saydhay Beesha Buhodle.
Markii ay Nabadu soo dhawaatay xalkuna dhaw yahay waxay ee loo balansan yahay in la aaso Baraagihii waxay Weerar Gardaro oo Gaadmo ah kusoo qaadeen Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku sugna Jiida Aaga Kalshaale una jooga dhexdhexaadinta Labada Beelood.
Mar labaad iyo Mar sadexaad ayay kusoo qaaden Dagaal Gardaro oo Gaadmo ah Balse Ciidanka qaranka oo ka digtoonaanaya in ay Maatida buhodle wax gaadhsiiyaan iyagoo awood u leh in ay saacado kula wareegan Magaalada Buhodle kumay durkin Nabadiidka Balse kaliya way iska caabiyeen jilibka ayayna u aasteen.
Madaxweynaha Jamhruuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo isagoo wali ka shaqaynaya Oodwadaaga, Walaaltinimada waxa uu sii daayay 42 Maxbuus oo laga qabtay Jabhada Nabad diidka ah Balse halkii ay uga mahad celin lahaayeen Madaxweynaha waxay Jabhada Nabad diidka ka dhigtay in Maxaabiistan ay ahaayeen Maati xoolo dhaqato ah, waa wax lagu qoslo runtii Odayaal waawayn oo ka u yar yahay 40 jir Halka qaarkood ay ku dhawaayeen sideetan Balse suaashu waxa weeyi Maxaa dadka maatida ah keenay Furinta Dagaalku ka socdo?
Mar labaad, Mar sadexaad, Mar afaraad waxay uu madaxweynaha Somaliland ku baaqay Gogol Nabadeed waxaanu Amray Ciidanka qaranku in ay kasoo baxaan Aaga Kalshaale , Isla maalinkii ay ciidanka Qaranku soo baxayeen waxaa Si gardaro ah hadana usoo weeraray Jabhada Nabad diidka.
Mar kale Maamulka Puntland iyo Jabhada Nabad diidka oo iskaashanaya waxay si gardaro ah oo gaadmo ah usoo weerareen Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku sugnaa Tuulada Gambadho Balse ciidanku wuu is difaacay waxaanay ka qabteen Hub badan iyo Maxaabiis, Ciidan badana way ka dhaawaceen.
Isbahaysiga Jabhada Nabad diidka, Puntland iyo Somalia
Madaxweynaha Puntland Faroole halkii uu wanaaga iyo Nabada uga talin lahaa waxa uu si indho la’aan ah u taageeray Nabad diidka waxaanu sheegay in Maamulka Puntland garab taagan yihiin oo ay difaacayaan waanay Soo hubeeyeen Jabhadii Nabad diidka ahayd.
• Dawlada Somalia ee taagta Daran iyada lafteedu waxay si indho la’aan ah u taageertay Jabhada Nabad diidka ah waxanay soo siisay Hub iyadoo ay Baarlamankooduna taageero u fidiyeen Jabhada Nabad diidka. Wasiir ku xigeen u dhashay Somaliland o dhawaan kaso goostay ayaa sobob uga dhigay is Casilaadiisa in ay Dawlada Somalia soo hubayso Jabhada Nabad diidka Buhoodle waxaanu sheegay in ay Dawlada Somalia Cadaawad daran u hayso Dawlada Somaliland.
• Dawlad Ingiriiska oo dhawaan ku dhawaaqday in Dawlada Somaliland la siin doono 60% deeqda Somalia Taas oo ay ku kasbatay Nabada, Wanaaga iyo Horumarkeeda waxaa ka xumaaday Jabhada Nabad diidka iyo Puntland oo mudaharaadyo Xaasidnimo ah ka Abaabulay London, Sweden, Buhodle iyo Lascanod Balse Somaliland waxqabadkeeda, Nabadeeda iyo Wanaageedu maaha mid la qarin karo Caalamka oo dhan ayaana laga ogyahay horumarka ay somaliland ku talaabsatay iyo Sida ay Nabada ugu dhagan tahay.
• Maamulka Puntland oo taageero ka helaya Jabhada Nabad diidka ahi waxay nidaam qabiil iyo gardaro ah ku sheegtaan mar walba dhul ka mid ah Somaliland iyagoo iska indho tiraya Xuduudaha Caalamiga ah ee cid walba ogtahay.
• Raysal wasaaraha Somalia Farmaajo oo ah nin siyaasada ku cusub waxa uu si gardaro ah dhawaan u sheegay in uu Bosaso iyo Hargeisa biyo u doonay Hadalkaasina waxa u noqday mid aad uga qosliyay Siyaasiyiinta iyo Shacabka Somaliland.
• Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Faroole safar uu dhawaan ku tagay talyaaniga waxa uu sheegay in uu Gogol u dhigi doono Maamulada Somalia isagoo somaliland ku daraya Maamulada Xaasidnimada ku dhisan,, Wuxuse iska indho tirayaa in ay Somaliland tahay Dawlad ka madaxbanaan Somalia.
Dhabar adayga, Dulqaadka iyo Degenaanshaha Dawlada Somaliland.
Dawlada iyo Shacabka Reer Somaliland oo maalin walba lagula kacayo Sharaf dil, dhaleecayn, Dagaal gardaro ah, Qas abuurid, Colaad oogid, Qabiilaysi, Mudaharaado oo dhamaantood looga dan leeyahay sidii somaliland looga dhigi laha Mandaqad Holcaysa ayaa waxay Dawlada Somaliland dhamaan arimahaasi ay mar walba kaga jawaabaysay Dhabar adayg, Degenaansho iyo Dulqaad iyadoo Xeerinaysa Dawladnimada, Nabada, Jaarnimada, Walaaltinimada, Wax wada qabsiga waxaanay dhan walba oo colaad hurinaysa ugu jawaabtay Degenaansho, Dulqaad iyo in aanay dagaal diyaar u ahayn kana soo waayo aragtay Dagaalo sokeeye Balse wali Hada Gardaradii ma joogsane Ogaw waxaanay u soo badanaysaa Si maalinle ah Jawaabtuna Waa dulqaadkii iyo Degenaanshihii uun oo loogu quus gooyo.
Gabaygan oo uu tiriyay Abwaan Faarax Nuur waxaad mooda in ay is shabahaan Dulqaadka, Dhabaradayga iyo Degenaanshaha Somaliland ay mar walba ugu jawaabayso Cadawgeeda, waxaase hubaal ah in aan gardaroole marnaba guulaysan.
Gabaygan waxa uu abwaanku sheegayaa in uu dulqaadku Xad leeyahay mudo go’ana loo samri karo Hagardaamada Cadawgaagu kuu maleegayo Hadaba suaashu waxay tahay Goorma ayuu Somaliland Samirka iyo Dulqaadku ka dhamaan doonaa ? Maalintase somaliland Samirka iyo Dulqaadku ka dhamaado maxaa u danbayn doona Iskaashatooyinka ku walaaloobay Colaada, Dagaalka, Qabiilka, Xaasidnimada, Xiqdiga iyo Nacaybka Somaliland?
Guntii iyo Gabagabadii Hadal badan Haan ma buuxshee waxaan kugu dhaafayaa Maansadan Faarax Nuur ee aduu fasiro Hadaad suugaan dhaadhi tahay.
Rag sabaan ka sabaan baan,
Samaantuun badiyaa.
Haduu saakimi waayo,
Sariiraan u dhigaa,
Iska seexo idhaa.

Haduu saakimi waayo na,
Caanihii hasha Suub baan,
Saddex goor u lisaa,
Ku sarriigo idhaa.
Haduu saakimi waayo,
Sumalkii rugta joogay iyo,
Sogobkaan u qalaa,
Haduu saakimi waayo,
Siirigii Cadmeed baan,
Subaggawga badshaa,
Haduu saakimi waayo,
Gabadh suurad wanaagsan baan,
Surrada ugu dhisaa.
Haduu saakimi waayo,
Xoolo gooni u soofiyo,
Sadadaan ku ladhaa,
Haduu saakimi waayo,
Seeddow, mood iyo mood iyo,
Salaantaan badiyaa.
Haduu saakimi waayo
Salaadaan lallabaa yoo
Meydal seedo madow iyo
Salligaan cuskadaa yoo
Sulub eebo ku joogtaan
Sarartaa ku dhuftaa
Sambabkaan ka baxshaa
Markaasuu sellimaa

Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland

Thursday, February 17, 2011

Xawaalada AMAL Oo Deeq Raashin Ah Ugu Deeqday Dadka Danyarta Ah Ee Ku Nool Magaalada Laascaanood

Buuhoodle(Buuhoodlenews)- Xawaalada AMAL ayaa qaybisay deeq raashina iyadoo ay ka bilowday gudaha magaalada Laascaanood deeqdaasi ayaa la gaadhsiinaysay qaar kamid ah dadka danyartaa Ee Ku dhaqan magaalada Laascaanood.
Jimciyada Salaamaha ayaa fulinaysay qaybinta deeqdan raashinkaas oo iskugu jirtay qaybaha kala duwan ee maceeshada sida Bariis,Bur,Saliid Timir iyo sharaab iyadoo deeqdaas ay ka faa´iidaysanayeen boqolaal danyara oo ku dhaqan magaalada Laascaanood.
Munaasibada qaybinta deeqdan raashinkaa oo ka dhacday xarunta Jimciyada Salaama ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sarsarre oo ka tirsan Xawaalada Amal iyo Jimciyada Salaama.

Furitaanka qaybinta raashinka waxaa hadalo kasoo jeediyay wakiilka Xawaalada Amal ee gobolka Sool Siciid Cabdi Ducaale (Siciid ELJI) oo in badan ku dheeraaday waxqabadyada Xawaalada Amal ee dhinacyada waxbarashada,Caafimaadka iyo gargaarida dadka danyartaa,

Siciid wuxuu sheegay deeqdan raashinka in Xawaalada Amal ay ugu talo gashay dadka danyartaa ee waxyeeladu kasoo gaadhay abaaraha dalka ka jira isagoo intaas ku daray in markasta Xawaalada Amal ay diyaar la tahay ka qaybqaadashada horumarka bulshada ay u adeegto.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Saleebaan Khaliif Axmed oo kamid ah masuuliyiinta sarsarre ee Xawaalada AMAL isagoo Saleebaan dhankiisa sheegay ahmiyada Xawaaladu u hayso dadkeeda mar walbana diyaar ula tahay dadkeeda inay kala qaybqaadato waqtiyada adag sida waqtigan oo kalaa oo ay dalka ka jiraan abaaro mood iyo noolba saameeyay.

Saleebaan wuxuu intaas ku daray Xawaalada AMAL inay u taagantahay waxqabadka umadeeda ay ka dhexshaqayso iyadoo mar walbana diyaar la ah inay ka qaybqaadato dadaalada horumarineed ee bulshada. intaas ka bacdi waxaa bilowday qaybinta deeqdaas raashinka oo ay ka faa´iidaysanayeen dadka danyara oo u badan dad waawayn.

Masuuliyiinta Xawaalada AMAL sidoo kale waxay dee raashina gaadhsiiyeen cusbitalka dhexe ee magaalada Laascaanood gaar ahaan qaybta TBda iyagoo ku wareejisay masuuliyiinta qaybta TBda deeqdan raashinkaa. Ugu danbayntii dadkii deeqdan ka faa´iidaysanayay ayaa Xawaalada AMAL uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay dadkooda usoo xasuusteen loona baahanyahay shirkadaha kalena inay ku daydaan.

Cali Nuur
Calo2002@gmail.com
Buuhoodle, Somaliland

Tuesday, February 8, 2011

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Hanajabaad iyo Digniin u jeediyay Danaystayaasha marin-habaabinaya Shacabka Buuhoodle

Buuhoodle (Buuhoodlenews) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa markii ugu horraysay tan iyo intii xilka loo magacaabay ka hadlay xasilooni-darrada iyo dhibaatooyinka ay kooxo Danaystayaal ahi ka wadaan degmada Buuhoodle.
Wasiirka oo u warramayay laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda VOA, waxa uu Hajabaad iyo digniino u jeediyay kooxo uu sheegay inay ku qadhaabanayaan Dhiigga iyo hantida Shacabka. Wasiirku waxa uu sheegay in dhacdadii ugu dambaysay ee lagu weeraray Ciidamada Qaranka ay lug ku leeyihiin maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo dad hayb ku dagaalamaya.

Halkan ka Dhagayso Waraysiga Wasiirka

Xaabsade Waraysi



Cali Nuur
Calo2002@gmail.com
Buuhoodle, Somaliland

Khasaaraha ka dhashay Dagaal dhex maray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Jabhadda SSC

Buuhoodle (Buhoodlenews)- Dagaal culus oo khasaare kala duwani ka dhashay, ayaa shalay ka dhacay degaanka Hagoogane oo ka tirsan Kalshaale oo u dhexeeya degmooyinka Buuhoodle iyo Qorilugud.
Dagaalkaas oo dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyada nabad-diidka ah ee SSC, waxa uu ka dhashay ka dib markii maleeshiyadaasi weerar ku soo qaadeen ciidanka qaranka oo fadhiyay degaanka Kalshaale.
Taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, wuxuuna sheegay in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay taageerayeen kooxo Argagixiso ah oo ka tirsan Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay inay maleeshiyadaas ka qabteen maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 15 maxbuus, wuxuuna xusay in afar askari ciidanka Somaliland kaga dhinteen dagaalkaas. “Ciidamado badan oo taangiyo BM-yo wata oo afantari badan wata ayaa na soo weeraray, nimankaasi waa niman Somaliland-diid ah SSC sheegta, dad badan oo Al-shabaab ku jirtana way soo kaxaysteen, dagaalkuna muddo shan saac ku dhaw ayuu socday,” ayuu yidhi taliyaha oo shalay u waramay warbaahinta. Wuxuuna intaa ku daray, in maleeshiyadaasi ay saddex aag ka soo weerareen ciidanka qaranka. “Xagayaga waxa naga dhintay afar askari, 12-na way naga dhaawacmeen, wax gaadiid ah oo lanaga gubay ama lanaga qabtayna ma jiro, iyagana dhaawacooda iyo dhimashadooda ma sheegi karo, maxaabiisna 15 maxbuus ayaanu ka haynaa, sidaasaanu ku eryanay, ka dib magaaladii ayay dhexgaleen, anaguna waanu ka soo noqonay anaga oo u tudhayna dadka oo halkayagii baanu ku soo noqonay,” ayuu raaciyay hadalkiisa Taliye Nuux.
Maydka askari ka mid ah Nabad-diidka SSC
Dhinaca kale, wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay Buuhoodle waxay sheegayaan in ugu yaraan 8 qof oo ka tirsan maleeshiyada SSC ku dhinteen dagaalkaas, dhawr iyo toban kalena ku dhaawacmeen. “Dhaawac fara badan baa weli lagu soo gurayaa magaalada, dhimashaduna way badan tahay,” sidaana waxa yidhi weriye ku sugan degmada Buuhoodle oo u waramay Buuhoodlenews.
Maaha markii u horaysay ee isku-dhacyo ka dhacaan degaankaas tan iyo intii ka dambaysay markii Madaxweynaha Somaliland go’aamiya in Kalshaale oo beelo ku muransan yihiin ay fadhiisin ciidan noqoto.
Cali Nuur
Calo2002@gmail.com
Buuhoodle, Somaliland

Tuesday, February 1, 2011

Fernando Torres oo Qiimahii Ugu Sarreeyey Horyaalka Ingiriiska Ugu wareegay Naadiga Chelsea

Buuhoodle - (Buuhoodlenews) Laacibkii kooxda Liverpool ee Fernando Torres ayaa ugu danbayn ugu wareegay kooxda Chelsea qiimo gaadhaya £50 milyan oo Gini (80.5 milyan Dollar) .Torres ayaa heshiis la saxeexday daqiiqado ka hor intaanu xidhmin suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada kooxda Chelsea, taasoo uu tababare Kenny oo hore u diidanaa tegitaanka laacibkaa uu kama danbays sheegay inuu u wareegayo koox sare. “Hadafka ciyaaryahan walba waa inuu ka ciyaaro mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn aduunka, halkaa ayaa u socdaa aniguna, waanan ku faraxsanahay,”
Torres,oo 26 jir ah, oo la mariyey baadhitaanadii caafimad ayaa ugu danbayn saxeexay heshiis qiimahii ugu sareeyey. Kooxda Liverpool ayaa qimahii ay ku iibisay Torres waxay qeyb ka mid ah kula galay Andy Carroll qiimo dhan £35m, oo kasareeya qiimahii ay hore ugu iibsatay Rbinho ee £32.5m sannadkii 2008.
Tegitaanka Torres ayaa keentay inay ka cadhoodaan taageerayaasha, oo si weyn u jeclaa muddo gaadhaysay saddex sannadood iyo badh garoonka Anfield.
Tababaraha Liverpool ayaa sheegay I tegitaanka Torres aanay saamayn ku yeelanay, kooxduna ka weyn tahay Torres.
Dhanka kale, Xiddigan ayaa waraysigii ugu horreeyay oo uu siisay telefishanka Chelsea, waxa uu ku sheegay inuu doorbidayo safashada kulamada waaweyn ee kooxaha Yurub si uu isku soo saaro waxaanu yidhi isaga oo tan ka hadlaya, “ Haddii aanad loolanka Champions League ciyaarayn, waxaad ka dhigan tahay Qof aan Jirin.”

Cali Nuur
Calo2002@gmail.com
Buuhoodle, Somaliland

Laascaanood: Mudaharaad sababay gubista baabuur ciidanku lahaa iyo khasaare kale

Buuhoodle - (Buuhoodlenews)- Ugu yaraan afar qof oo rayid ah iyo askari Booliska ka tirsan, ayaa ku dhaawacmay mudaharaad rabshado watay oo shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo ka warramaya mudaharaadkii Laascaanood ka dhacay, waxa uu faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay mudaharaadkaas oo sababay in la gubo baabuur ciidanka Somaliland leeyahay.
Guddoomiyuhu waxa uu qiray in dadkaas rayidka ahi ku dhaawacmeen rasaas Booliska ka hortegayay u adeegsadeen, wuxuuna tilmaamay in 118 qof ay u qabqabteen falkaas, wuxuuna waraysigaasi u dhacay sidan;
S: Guddoomiye, ugu horeyn waxaad faahfaahin naga siisaa sidii ay u dhaceen mudaharaadyada la sheegay inay ka dhaceen Laascaanood?
J: Maanta (shalay) waxay ahayd maalintii nadaafada qaranka uu 45-kii cishoba Madaxweynuhu mar ku dhawaaqi jiray, hawshaasaanu saaka (shalay aroortii) galnay iyo hawl-maalmeedkii kale ee caadiga ahaa. Subaxnimadii wax dhibaato ama rabshad ahi may jirin, laakiin saacadihii ay dadku isugu soo baxeen ololaha nadaafada 11-kii barqanimo oo aan anigu ku maqanahay Yagoori oo wasiiro halkaa ku sugnaa aan ka hortagay ayay rabshado ka bilaabmeen gobolka, rabshadahaas dad ayaa kaga faa’iidaystay ololihii nadaafada, kuwaasoo ka cadhaysan arrintii shalay (doraad) ka dhacday Kalshaale, ka dibna Booliska ayaa arrintaa ka hawlgalay. Magaalada rabshadihii waa laga joojiyay, dhawr qof oo dhaawac fudud ah ayaa ku dhaawacmay, dad badana Boolisku way qabteen, hadda gobolka nabadgelyadiisu waa caadi.
S: Dadka dhaawacmay ma Booliskaa rasaas u adeegsaday, siday ku dhaawacmeen?
J: Dadka ay rasaastu ku dhacday waa afar qof, askar naftoodii u yaaban oo lagu soo qamaamay baa xabbada riday, dhawr askari oo dhaawac ahina way jiraan, saddex askari oo dhaawac iyo afar dadweynaha ka tirsan oo iyaguna dhaawac oo sahlan baa Cusbitaalka yaala, meel rabshadi ka dhacdayna way dhacaysaa inay cid wax ku gaadhaan.
S: Guddoomiye, tirada dadka aad sheegtay inay Boolisku u xidh-xidheen mudaharaadka Laascaanood ka dhacay waa imisa?
J: Dadkii waa la soo wada daayay dhamaantood oo qof u xidhan arrintaasi ma jiro, 118 qof baa loo qabtay, dhamaantoodna waa la sii daayay.
S: Dadka aad sheegtay inay ka faa’iidaysanayeen ololaha nadaafada ee rabshada bilaabay waa’ayo?
J: Dadkaasi waxay ahaayeen dad ka caadifadaysan dagaalkii shalay (doraad) ka dhacay Kalshaale, ka dib magaalada ayay taayiro ku gubeen, halkaas ayay rabshadu ka bilaabantay, Booliskaana arrintaa ka hawlgalay, khasaarahaa sahlan ee dhaawaca ah baana ka dhacay, gaadhi Boolisku leeyahayna wuu gubtay, wax kalena kama dhicin.
S: Gaadhigaa Boolisku leeyahay ee aad sheegtay inuu gubtay sifo noocee ah buu ku gubtay?
J: Gaadhigaasi meel buu ku xumaaday, dad qamaamayaana ku soo ururay, dab ayaanay qabadsiiyeen.
S: Waxa la sheegayaa in jidadka magaaladu xidhan yihiin, arrintaasi ma jirtaa?
J: Maya, arrintaasi ma jirto. Hadeer (xalay) aniga ayaa saldhigyada tagay oo magaalada dhexmaraya.
S: Dadka tirada badan ee aad markii u xidh-xidheen arrintan maxay ahaayeen, ma dhalinyaro mudaharaadka ka qaybqaadatay baa?
J: Haddii fal dhaco qofkii rabshada ka qaybqaadanayay iyo mid si khalad ah ku xidhma labaduba way dhacdaa, laakiin qaab kastaba haku xidhmeen waa la siidaayay, qof hadda kiiskaas u xidhani ma jiro.
S: Haddii ay ahaayeen dad rabshad-abuurayaal ah oo ka faa’iidaystay ololaha nadaafada sida aad sheegtay, maxaa sababay inaad siidaysaan durba?
J: Bulshada rayidka, Culimada, odayaasha iyo waxgaradka ayaanu shirar la galnay isla galabta (gelinkii dambe), markaa arrintaas siidaynta ayaanu isla garanay, waayo la kala garan maayo qofkii rabshada bilaabay iyo kii aan bilaabin. Sidaa darteed, wuu iska soo bixi doonaa kii rabshad doonayaa oo ka maarmi maayo, arrintaasi waa arrin maamul ahaan iyo waxgaradka aanu isla garanay.
S: Ma jirtaa in ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa SSC uu subaxnimadii isku-dhac ku dhexmaray duleedka magaalada Laascaanood?
J: Maya, adeer arrintaasi ma jirto, ciidamada qaranka Somaliland waxay joogeen gobolka oo waxay gaadheen Saxa-dheer iyo Dharkayn, wax isku dhac ah oo ciidamada qaranka iyo SSC dhexmaray ma jirto.
S: Wasiirada aad gobolka ku soo dhaweynaysay imisa ayay ahaayeen, maxayse u socdeen?
J: Laba wasiir ayay ahaayeen, waxaanay u socdeen xaaladaha abaaraha iyo inay kala qaybqaataan dadweynaha gobolka oo ay cabiraan nidaamka meesha ka jira, waxaanay ahaayeen wasiirada Ganacsiga iyo Beeraha.

Cali Nuur
Calo2002@gmail.com
Buuhoodle, Somaliland


Monday, January 31, 2011

Dagaalo ka dhacay deegaanka Kalshaale ee Buuhoodle iyo khasaaraha ka dhashay

Buuhoodle, 31 Jan 2011 (Buuhoodle News)- Ugu afar qof oo ka tirsanaa maleeshiyo-beeleedka Buuhoodle iyo askari ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland, ayaa ku dhintay dagaalo shalay ka dhacay degaanka Kalshaale oo ka tirsan degmada Buuhoodle.
Siday sheegeen wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay xaalada dagaalkaas, waxa uu abaarro 9:30 subaxnimo dagaal koobani dhexmaray labada maleeshiyo-beeleed ee Qorilugud iyo Buuhoodle, kuwaasoo is rasaasayn waqti kooban socotay ku dhexmartay degaanka Baaleef oo wax yar u jirta goobta murankeedi dirirta keenay ee Kalshaale oo dhowaan Madaxweynaha Somaliland go’aamiyay inay fadhiisin ciidan noqoto.
Sida uu Jidbaalenews u sheegay guddoomiyaha degmada Qorilugud Mr. Maxamed Cumar Faarax, is rasaasayntaas labada maleeshiyo waxa kala dhexgalay ciidanka qaranka Somaliland, balse markii dambe ay maleeshiyada Buuhoodle weerar ku soo qaadeen ciidanka Somaliland. “Degaanka Baaleef oo jiida Kalshaale ah ayay laba maleeshiyo-beeleed rasaas isku waydaarsadeen gelinkii hore, dabadeedna ciidankaa kala dhex fadhiistay, ka dibna ciidanka qaranka ayay maleeshiyadaa Buuhoodle abaarro 4:30-kii galabnimo soo weerartay,” sidaana waxa yidhi guddoomiyaha degmada Qorilugud oo xalay u waramay Jidbaale. “Markaa waxa dagaalamay ciidanka qaranka oo weerar lagu soo qaaday iyo maleeshiyada dhinaca (Buuhoodle) ee soo weerartay,” ayuu raaciyay Mr. Maxamed Cumar Faarax.
Mar la waydiiyay khasaaraha kala gaadhay dirirta hore ee dagaalka dambe salka ku hayay ee maleeshiyo-beeleedyadu gelinkii hore isku wajaheen, waxa uu yidhi, “Wax alla wax kala gaadhay ma jiraan oo markiiba ciidanka qarankaa u gurmaday oo kala dhex galay, weliba ciidanku waxay aad u fogeeyeen kuwa Qorilugud.”
Ma jiro wax faahfaahin ah oo taliska ciidanka iyo xukuumadda Somaliland ka soosaareen dagaalkaas oo sida la sheegay la isku gabal-dhacsaday degaanka Hagoogane oo ka tirsan Kalshaale. “Waxa ciidanka ka dhintay hal qof, laba kalena way ka dhaawacmeen,” ayuu yidhi sarkaal ciidanka ka tirsan oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso. Sidoo kale, dhinaca degaanka Buuhoodle wax war ah kamay soosaareen khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo sida la sheegay maleeshiyaadkoodu soo qaadeen. “Adeer, waxaad maqashay mooyaane wax kale oo aan ka hayaa ma jiraan, wax kale oo war ah oo aan kuu sheegane garan maayo,” sidaana waxa yidhi Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo Wargeyska Ogaal xalay wax ka waydiiyay dirirtaa Kalshaale.
Hase yeeshee, wariye Maxamed Shaqale oo ku sugan degmada Buuhoodle ayaa Jidbaalnews u sheegay in habeen hore Cusbatalada degmadaas la gaadhsiiyay shan qof oo ku dhaawacmay dagaalkaas. “Sida la ii sheegay, dhimashada dhinaca Buuhoodle waa saddex qof,” ayuu yidhi weriyuhu.
Dhinaca kale, wararka qaarkood waxay sheegeen in afar qof oo maleeshiyada Buuhoodle ka tirsani ku dhinteen dagaalkaas, isla markaana todobada qof laga qabtay kooxdaas weerarka soo qaaday oo sida la sheegay nabad-diidka Buuhoodle ee SSC la baxay ku soo dhex dhuunteen.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay degaankaas, waxay sheeganayaan in ciidanka qaranka Somaliland ay fadhiisimo ka dhigteen degaamada shalay dagaaladaas wejiyada kala duwan lehi ka dhacay.
Degaanka Kalshaale oo muran berkado laga qoday ka taagnaa, waxa hore dagaal khasaare keenay ugu dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo ka tirsan Buuhoodle iyo Qorilugud, iyadoo heshiis laga gaadhayna aanu dhaqangelin.

Cali Nuur
Calo2002@gmail.com
Buuhoodle, Somaliland

 
Powered by Blogger